News and Announcements

Mashruuca Nagaad (SURP II) oo Howshiisu ka Socoto Magaaladda Beledweyne

Mashruuca Nagaad (SURP II) oo Howshiisu ka Socoto Magaaladda Beledweyne

Xafiiska Duqa Magaaladda Beledweyne ayaa soo qabanqaabiyey kulan ay isugu yimaadeen maamulka heer gobol iyo degmo, Wasaaradda Howlaha Guud, Xafiiska Fulinta Mashruuca Nagaad (SURP II), UNOPS iyo GEOTECH Engineering Company kaasoo looga hadlayey dar-dar gelinta qiimeynta iyo naqshadeynta dhismaha wadooyinka magaalada, dayactirka buundooyinka iyo dhismaha labo buundo oo cusub.