Xafiiska Duqa Magaaladda Beledweyne ayaa soo qabanqaabiyey kulan ay isugu yimaadeen maamulka heer gobol iyo degmo, Wasaaradda Howlaha Guud, Xafiiska Fulinta Mashruuca Nagaad (SURP II), UNOPS iyo GEOTECH Engineering Company kaasoo looga hadlayey dar-dar gelinta qiimeynta iyo naqshadeynta dhismaha wadooyinka magaalada, dayactirka buundooyinka iyo dhismaha labo buundo oo cusub.
Kulanka oo uu shirgudoominayey kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullahi Axmed Maalin waxaa warbixino ka jeediyey Axmed Cilmi oo si kooban uga hadlay marxaladihii uu mashruucu soo maray iyo halka uu maanta joog. Waxaa sidoo kale warbixin la xariirta qiimeynta iyo naqashadeynta wadooyinka iyo buundooyinka jeediyey Engineer Alemayehu Gessesse oo ka socday UNOPS kaasoo sheegay in ay bilaabeen xog-ururin socdaalka baabuurta, ciida iyo xaaladda guud ee wadooyinka iyo buundooyinka magaalada.
Waxaa dhankooda iyaguna kalmado amaan, guubaabin iyo dardaaran isugu jira ka jeediyey Gudoomiyaha Degmada, Cumar Cisman Calasow, iyo Axmed Afyare Duqow oo ka socday Xafiiska Duqa Magaalada. Masuuliyiinta hadashay waxay aad uga hadleen in mashruucan yahay mid ay bulshadu si aad ah isha ugu heyso isla markaana baahi badan loo qabo. Waxaa kalooy sheegeen in ay diyaar u yihiin ka mirodhalinta mashruucan iyo in ay ka soo dhalaali doonaan kaalinta kaga aadan.
Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka, Cabdullahi Axmed Maalin, ayaa dhankiisa sheegay in magaaladan laga fuliyey mashaariic 68 mashruuc oo ay ku jiraan qaar laga fulin waayey magaalooyin kale balse ay suurta gal noqotay in laga fuliyo magaalada Beledweyne sidaa daraadeedna aanay jirin wax caqabad ah oo ku iman doono mashruucan oo waliba ah mid ay bulshadu si aad ah u sugeyso.
Ugu danbeyntii, howlwadeenadii ka kala socday Xafiiska Fulinta Mashruuca Nagaad (SURP II), UNOPS iyo GEOTECH Engineering Company waxay si toosa ah u guda galeen shaqdoodi waxayna soo kormeereen dhamaan wadooyinka howluhu ka socdaan iyo buundooyinkii.
